War Deg-deg ah; Ciidamada Puntland oo dib u qabsaday magaalada Xeebeedka Qandala!!

Ciidamada Puntland ayaa waxay usuurto gashay inay dib ula wareegaan magaalada Xeebeedka Qandala oo in muddo ka badan 30 cisho ay gacanta ku hayeen maleeshiyaad taabacsan ururka sheydaan Dowlada ama IS.

Dagaal xoog leh oo ka dhacay magaalada Qandala ayaa sababay in ay maleeshiyaadkii IS ama Daacish ay dib ugaga gurtaan iyadoo duqeyn dhinaca badda ahna ay ka taageerayeen ciidamada lugta ah ee Puntland.

Ilaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkan iyadoo inta badan dadkii ku noolaa magaalada Qandala ay ka barakaceen kadib markii ay la wareegeen maleeshiyaadka Daacish.

Dagaalkan ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee si toos ah ay isaga horyimaadaan dagalyahanada ka goostay Alshabaab kuna biirey Daacish kuwaas oo tiro ahaan lagu sheegay 80 tameeyyo Qofood uu hugaaminaayo Oday Reer Putland ahaa kaas oo in miudo ah kunoolaa Dalka UK .

Comments

comments