Dowlada Soomaaliya oo soo bandhigtay markab si sharci darro ah uga kalluumeysanayay xeebaha Dalka Soomaaliya Daawo Sawirro!!

Wasiir ku xigeenka Wasaraadda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee dowladda Fideralka. Soomaaliya Siciid Jaamac Maxamed Qaalib Shirjaraa’id uu maanta ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa kaga hadlay xaalufka boobka ah ee maraakiibta shisheeye ay ku hayaan xeebaha Dalka Soomaaliya iyo heshiisyo sharcidarro ah oo lala galayo shirkado shisheeye ayadoo aysan ka warqabin Wasaaradda.

Wasiir ku xigeenka Kalluumeyisga Siciid Jaamac Max’ed Qaalib ayaa sheegay in gacanta lagu soo bandhigay markab si sharcidarro ah uga kalluumeysanayay xeebaha Soomaaliya kaasoo lagu qabtay xeebaha magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

Wuxuu sheegay in Wasaaradu ay ku biirtáy Ururro Caalami ah oo ka dhisan ilaa iyo 8 dal oo iska kaashanaya la-dagaallanka Kalluumeysiga Sharci-darrada ah ee xeebaha.

Wuxuu intaasi ku daray in Markabkan uu isku dayay in uu Cumaan galo, marka uu ku arkay in uu qoraal ka yaallo uu socon waayo, isagoo intaasi sii raaciyaay in ciidamo la’aan ay ku guuleysteen qabashada markabkani, kaasi oo siday Kalluun gaaraya ilaa 30 Tan waxaana lagu ganaaxay lacag gaaraysa 65,000 oo dollar.
Wasiir ku xigeenka ayaa u mahadcelinay dowlado iyo hay’ado caalami ah oo gacan ka siinayay la dagaallanka Kalluumeysiga Sharci-darrada ah oo Marakiibta shisheeye ay ka wadaan xeebaha Soomaaliya waxaana uu ka codsaday in ay siyaan qalab ka Sataliteka oo inoo fududeynaya ka hortagga kalluumeyisga sharci-darrada ah.

markab-sharci-daro-2

markab-sharci-daro-1

markab-sharci-daro-5

markab-sharci-daro-4

markab-sharci-daro-3

Comments

comments