Turjubaan si la yaab leh Haweeney Maraykan ah ugu kufsaday dalka India iyo Dowladas oo ku baaqday!!

Booliska dalka Hindiya ayaa baadi goobaya nin dalkaas u dhashay oo haweeney Maraykan ah ku kufsaday magaalada Delhi bilowgii sanadkan.

Haweeneydan oo magaceeda la qariyey ayaa sheegtay in qeybta sare ee hotelka Delhi uu ku kufsaday ninkaasi oo caawiye iyo turjubaanba u ahaa safar dalxiis ah oo ay ku tagtay dalkaas bishii Abriil.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Hindia, Sushma Swaraj, waxa uu booliska ugu baaqay in eedeysanaha ay soo xiraan si loo baaro eedeymahan loo jeediyey.

Waxay sheegtay Haweeneydan in ninkan uu siiyay biyo uu ugu daray dawooyin lagu suuxo waxayna intaa raacisay inuu afar jeer kufsaday ninkaasi intey suuxsaneyd, ka dibna uu ka dhaqaaqay.

Sababta ay dacwadeeda ula soo daahday, ayey ku sheegtay inay murugo iyo niyad-jab qaaday markii dalkeeda ay ku noqotay ayna xittaa ka qarisay qoyskeeda waxaa ku dhacay.

Kiiskan ayaa noqonaya kii ugu dambeeyay ee loo diiwaan geliyo xad gudub galmo oo lagula kacay dumar dalxiis u tagay dalka Hindiya.

Wadankaas ayaa ka mid ah dalalka caalamka ugu kufsiga badan dhinaca haweenka, waxaana cilmi baaris caalami ah oo kal hore la soo daabacay lagu sheegay in cel celis ahaan sadexdii daqiiqadaba hal kufsi uu ka dhaco wadankaas.

Comments

comments