Madaxweynaha Xilka kadhamaaday oo bogaadiyey doorashooyinka Beelaha Woqooyi ee Muqdisho ka billowday!!

Muqdisho, (Kowtharmedia.com) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey Guddiyada Doorashooyinka Dadban, Madaxda Dhaqanka Gobollada Woqooyi , Ergooyinka Gobollada Woqooyi doorashada Golaha Shacabka oo maalintii shalay ka billowday magaalada Muqdisho.

“ Doorashooyinka Golaha Shacabka ee ka billowday Muqdisho, waxay sii adkeneysaa sida ay dhammaan ummadda Soomaaliyeed uga go’an tahay inay ka gudbaan marxaladaan Tariikhiga ah ee ay ku dhismeeyso Soomaaliyada cusub, oo si wada-jir ah ugu diyaarsan horu socod iyo utilaabsashada dowladnimada iyo raadinta midnimada Qarannimada Soomaaliyeed” ayuu yiri…

Madaxweynaha Soomaaliya , wuxuu u mahadcelinayaa Guddiga Doorashooyinka ee heer Federaal iyo heer Dowlad Gobolleed oo in muddo ah waday qorshaha Hannaanka Doorashooyinka 2016 oo ku guuleystay in doorashooyinka Golaha Shacabka in ay qabsoomaan in ka badan intooda badan.

Madaxweynaha, ayaa ugu baaqay Madaxda Dhaqanka Beelaha Gobollada Woqooyi , Guddiyada Doorahsooyinka Dadban ee Heer Federaal iyo Kan Gobollada Woqooyi inay xaqiijiyaan doorka kootada haweenka ee lagu heshiiyey oo ah Sodon Boqolkiiba (30%).

Madaxweynaha ayaa ka digaya fara-gelin lagu sameeyo guddiyada badaxa banaan ee Doorashooyinka Dadban, wuxuuna ku baaqayaa inla ilaaliyo habraaca doorashooyinka ee horrey loogu heshiiyey lagana fogaado wax walba oo wax u dhimayo habsami u socodka doorashooyinka.
Ugu dambeyntii, Madaxweynaha ayaa ku ammaanaya Shacabka, ciidamada ammaanka Qaranka Soomaaliyeed, kuwa AMISOM, Dowlad Gobolleedyada iyo beesha caalamka dulqaadkooda iyo ka qeyb qaadashadooda ku aadan in la soo gaaro maanta, in heer gaba-gaba ah ay marayaan Doorashooyinka Dadban ee ka dhacay 6 magaalo oo dalka Soomaaliya ka mid ah.

Comments

comments