Ilhaan Cumar oo Hanjabaad culus kala kulantay Taksiile kana hadashay sida ay wax u dhaceen!!

Ilhaan Cumar oo ah gabar asalkeeda Soomaali yahay balse heesata dhalashada dalka Mareykanka dhawaana ka mid noqotay aqalka Sanet-ka ee gobolka Minnesota ayaa sheegtay in ay la kulantay hanjabaad .

Nin Taksiile ah oo u dhashay dalka Mareykanka ayey sheegtay Ilhaan in maalintii shalay oo arbaco aheed uu ku sameeyay handadaad iyo cunsuriyeyn, waxa ayna tilmaantay in taksiga markii ay raacday ay la kulantay wax aysan fileyn.

Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in Aqalka cad ee looga arimiyo dalka Mareykanka ay kaga soo qeyb gashay shir muhiim u ahaa markii ay kasoo baxday ayna ku sii jeeday Hotelka ay dagneyd nin Taksiile ah kala kulantay handadaad iyo islama nac.

”Aqalka cad markii aan ka baxay kuna sii jeeday Hotelkayga ayuu Taksiilaha aan raacay si cunsurnimo ku jirto iila dhaqmay, waxa uuna igu tilmaamay in aan ISIS kamid ahay, waxa uu ku dhaartay in uu xijaabka aan wato iga qaadayo” Ayey Barteda Facebook kusoo qortay Ilhan Cumar.

Ilhan Cumar ayaa noqotay gabadhii ugu horeesay oo Soomaali iyo Muslim-ba ah ee sharci dajinta Mareykanka ka mid noqoto, waxa ayna Ilhan dalka Mareykanka tagtay iyada oo 12-sano jir ah.

Comments

comments