Daawo: Ciidanka Daacish qandala ka xureeyay ma ahayn Ciidnka Putland ee waxay ahaayeen Ciidamo taabacsan Hogaanka Gobalka Bari uu Hogaamiyo Galan!

Raali Galin Tvyada Afka Soomaalida ku hadla warar been abuur ah ay ka baahiyeen Magaalada Qandala oo been noqday Ciidanka Daacish qandala ka xureeyay ma ahayn Ciidamada Putland ee waxay ahaayeen Ciidamo taabacsan Hogaanka Gobalka Bari uu Hogaaminaayay Libaaxa Cabdissamad Galan

Puntland iyo shabaabku xagee isaga mid yihiin ?

Waxaan lasoconaa Waxkasta oo Soomaaliya kadhaca tusaale yar Hadii wiil yari Mindi isagoo la ordaya mid kale kula dulkufo shabaabku waa anagay dhahaan.
Yaab anagaa aragnaye xagee joogtaa Puntland Qandala xoraysay maxaa wixii ladoono loo sheegayaa Mise Puntland baa waxay ku aruurtay sidii shabaabkii oo kale wax aysan shuqul kulahayn Inay iska sheegtaan.

Dadka dagaalka hogaaminayay dhamaan waa dadka deegaankaas udhashay Gudoomiyaha Gobolka Bari Mr Yusuf Maxamed Wacays dhedo iyo wasiirka qorshaynta Dr Shire Hagi farax Gudoomiyihii hore ee Gobolka Bari Abdisamad Gallan oo kasoo horjeeda Siisada waalan Garoowe kajidha.

Dhanka saraakiisha dagaalka hogaaminaysay Coll Farax birimo iyo Coll Baajuun Cumar Geesdiir Ninkii Abdullahi yusuf barigii Bari lagasaarayay uu ka harsan waayay meeshuu xabad kulul iyo kaarta ciidan kadareemo wuxu oran jiray Coll Baajuun baa halkaa kujira ii soo wad saraakiisha dagaalka kaqayb qaatay Coll Qodxanyaale waa saraakiishii Dawladii Kacaanka ee xitaa dagaalkii Ethiopia ragii la galay ayaa ka mid ahaa.

Su aasha meesha taal waxa weeye reer faan jecelow saraakiisha Puntland waa layaqaan car hala sheego hal nin oo kaqayb galay dagaalkaas.

Hadii dawlad ka jirto aagaas shaqadaan waxaa lahaa wasiirka amniga haduu maqanyahay Wasiir kuxigeenka taliyaha ciidammada Puntland General Sicid dheere Wasaaradii shaqadaan lahayd hal qof ma kahaysaa xitaa waxaan ogahay in Puntland aysan si toos ah dagaalkaas uga hadalin.

Ogow wax magaca Puntland laga urinkaro waxaa meesha marayay ciidamada badda Saracen loo yaqaan lasoco yaan lagu khaldin ciidankaas Intiisa badan waa hal reer waana Beesha Ali Saleebaan iyagii baa meesha marayay oo xureyay Qandala.

Hadii Dagaal lagalayo dhaqaaluhu waa muhiim Puntland hal dollar kuma bixin dagaalkaas hadii lawaydiiyayna waxay ku jawaabeen shillin lacag ah mahayno Reer nugaaleed iyo reer mudugba iyagaa isku filaaday adeerayaalow gobolkiina difaacda maxay tahay marka guusha hada lasheeganeysaan mise sheekadu waa sheekadii Goronyada.

Waxaa layiri baribaa goroyo waxay soo martay meel ciyaaro kasocoto waxay tiri Ana waa dheelayaa lugna gudahay lasoo gashay ciyaartii lugna banaankay ka dhigtay war waa sidee baa layiri goroyooy maad lugahaa dhan isugu duwatid oo ciyaarta aad dheeshid ama aad katagto waxay tiri haday ciyaartu xumaato lugta iiga jirtaan kalabaxayaa haday hagaagtana tan banaanka iga jirtaan soo xaraynayaa oo gudahaan isugu keenayaa, wuxu Inay sidaa tahay baan umalayn.

Arintaa wax lalayaabo maaha waxaadan shuqul kulahayn inaad iska sheegato Waayo waxaan hada xasuustay Hadalkii islaan Ciise iyo suldaan Garaase Dagaalkii Carmo markuu islaanku lahaa kama qayb gali karan dagaalkaas ciidan laga kaxeeyo Gobolka nugaal Waayo ciidamadii suuj nooga dhaawacmay Cid wax nagala qabatay maanaan arag oo qaaraan baanu u aruurinay dhaawacyadoodii.

kuwo Gaalkaciyo ku dayacmeen waana maqasheen oo qaaraan iyagana loo aruuriyay kuwo Addis Ababa kuqurmayna waa jireen marka ilma adeerayaalow yaan la idin wareerin meeshaas Beel baa difaacatay Hadalka in lasaarnaado maahee.

Riix Halkan Oo Daawo Muuqaalka kafiiri Mas´uul katirsan Maamulka Putlland ee Garoowe hadii uu kujiro Xureynta Qandala

Hogaamiye C/ Samada Gallan oo diiday in uu kor uqaado Calanka Putland Sawiradana Halkaan Hoose kadaawo

BY:-Axmed Muse Dayaxleefcabdisamad-galan-3

cabdisamad-galan-4

cabdisamad-galan-1

cabdisamad-galan-2

Comments

comments