Gaari walxaha Qarxa kabuuxeen oo lagu hor qarxiyay Siinka dheer iyo warar xaqiijinaaya in Gaarigaas kayimaaday Dhulka Soomaalilan +Sawiro!!

Gaari walxaha Qarxa kabuuxeen oo lagu hor qarxiyay Siinka dheer iyo warar xaqiijinaaya in Gaarigaas kayimaaday Dhulka Soomaalilan +Sawiro!!

Ciidamada Nabadsugida ayaa maanta barqadii joojiyay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo doonayay inuu galo magaalada Muqdisho.
Waxaana Gaarigaasi hor istaagay Askar ka tirsan Ciidanka AAR oo halkaasi uu uga dhintay 1 Askari.
Gaarigaan oo ahaa Caasi ayaa waxaa ku xirnaa Taarikadda Maamulka SoomaaliLand sida ka muuqato Sawirro ay kaqaadeen.

Gaarigan oo ahaa kuwa raaxada ayaa lagu joojiyay bar koontarool oo ku taala duleedka Muqdisho, gaar ahaan Siinka Dheer.

Wararka ayaa sheegaya in gaariga uu qarxay, iyadoo lagu guda jiray baaritaan ay ku sameynayeen ciidamada.

Saraakiil ka tirsan Nabadsugida ayaa warbaahinta u sheegay in hal askari uu ku dhintay iyo qofkii wadayay gaariga, askari kalena uu ku dhaawacmay.

Ciidamada Nabadsugida ayaa todobaadyadii u dambeeyay adkeeyay ammaanka, iyadoo ciidamo la dhigay waddooyinka laga soo galo magaalada, halkaasoo dadka iyo gaadiidka lagu baaro.

somaliland-2

somaliland-3

somaliland-4

somaliland-1

Comments

comments