Nin Dhibaato kala kulmay in uu qaato Baasaboor Sabab layaab leh Owgeed Daawo Sawirro:

Nin asalkiisa Taiwan :_;Shiinaha kasoo jeeda balse heesta dhalashada dalka New Zealand ayaa dhibaato xoogan kala kulmay sidii uu u heli lahaa baasaboor, kadib markii indhihiisa oo aad u yaraa ay arimntasai sabab u noqdeen,.

Richard Lee oo ah nio indhihiisa aad u yar yihiin ayaa caqabad kala kulmay qalabkii baasaboorka samaynayay uu aqbali waayay sawirkiisa, waxaaba arintaasi sabab u aheed in Indhiisa aad u yaraayeyn lana moodo in uu isku hayo ama hurdayo.

Waxaa la sheegay in Qalabka sameenayay baasaboorka ay soo celiyay sawirka, waxa uuna qalabku tilmaamay in cilad ka jirto indha Richard Lee uuna isku hayo indhaha taasi oo keentay in baasaboorka la sameen waayo.

Ninkan Indha yarka ah oo ka hadlay arintan ayaa sheegay in kiiskiisa uusan u muuqan mid cunsuriyad ka muuqato balse ay tahay khalad ka yimid wax aan bini’aadam aheyn, waxa uuna tilmaamay in aysan arintaasi wax dareyn ah ku abuurin.

Richard Lee ayaa cilmiga Injineeriyada ka barta magaalada Melbourne, ee dalka Australia, waxa uuna ninkan sawiradiisa u diray Wasaarada Arimaha gudaha si loogu cusbooneesiiyo baasaboorkiisa, waxa uuna sawirkiisa sii marsiiyay qalabka tiknoolajiyada hubisa sawirada.

Ninkan Indha yarka ah ayaa markii uu la xariiray Wasaarada Arimaha Gudaha uuna weediistay baasaboorkiisa ayaa loo sheegay in uu hurdo ama indha uu iski hayo, balse Sawiro kale markii uu diray ayaa laga aqbalay loona cusbooneesiiyay baasaboorkiisa.

indhayar-shiino-1

indhayar-shiino-2

Comments

comments