Dowladda Soomaaliya oo baaritaan ku bilowday xoolahii laga soo celiyay dalka Sacuudiga!!

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay iney baaritaan ku bilowday xoolihii dhawaan laga soo celiyay dalka Sacuudiga, kadib markii Sacuudiga uu diiday xoolaha oo laga dhoofiyay Magaalada Muqdisho Xoolahaas oo ah kuwa ugu roon sanadkaan kuwaas oo nafaqo fiican ka helay wabbig Sha dhaxe iyo Sha hoose halka Xoolaha ku nool Gobolada kale ee Dalka Soomaaliya ay dilaneyso abaaro ka dilaacay Gobolada qaar oo ilaa iyo hada laga deyrinaayo Xaaladooda.

Saciid Xuseen Ciid, wasiirka xanaanada xoolaha dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in baaritaan ay ku ogaanayaan cudurada laga helay xoolaha laga dhoofiyo Soomaaliya ku bilaabeen dhamaan xoolahii laga soo celiyay dalka Sacuudiga.

Wasiirka ayaa tilmaamay in arimahaasi ay gudi u xilsaareen sidii loo baari lahaa xoolaha, wuxuuna sheegay in natiijada baaritaanka  kasoo baxdaa warbaahinta ay la wadaagi doonaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa dooneysa in Sacuudiga markale dib u fasaxaan xoolaha laga dhoofin jiray gudaha dalka Soomaaliya oo dhaqaalo badan Soomaalida ka heli jireen.

Sacuudiga ayaa hakiyay xoolaha kaga imaan jiray Soomaaliya, maadaama la sheegay in cuduro laga helay xoolaha.

dhankakale Sacuudiga ayaa wuxuu kaalmo uga baahan yahay Dalka Soomaaliya Xoolaha lagu dhaqdo maaxaa yeelay Dalka Sacuudiga xoolo yar ayey ku dhadaan Sidookale dad malaayiin ah oo ka kala Yimaaday Dalalka Muslimiinta kuwaas oo guta Cimro iyo Xaj, waxay cuni laahaayeen Sacuudiga kaligiisa Tabar uu kusoo saarto uma lahan balse xilliyadaan ayaa jirin Cimro iyo Xaj Sacuudiga ayaa waxuu dhibaato badan kuhaaya Siyaasada Soomaaliya.

Liibiiya iyo Sacuudiga waxay kamid ahaayeen kuwa hubeeyay Jabhadii kasoo dagaaltamay Dalka Soomaaliya kuwaas oo burburiyay Dowladooda.

Comments

comments