#Dhalashada# Nabigeena#Muxamed Nabad iyo Naxariis Korkiisa Ha ahaatee dhalashadiisa oo lagu dhigay dalal Badan!!

Munaasabado iyo Xaflado lagu weyneynayo dhalashada Nabigeena Muxamed NNKH ayaa sanad Kasto xiligan oo kale waxaa lagu qabtaa daafaha Caalamka Gaar ahaan Wadamada islaamka.
Soomaaliya waxey ka mid tahay Wadamada sida weyn looga xuso dhalashada Nabigeena Muxamed NNKH balse waxaa muuqato sanadkan 2016 in Magaalada Muqdisho oo ah Caasimada somaaliya aan si weyn looga xusin dhalashada Nabigeena NNKH
Inkastoo ay magaalada muqdisho ka dhaceen Munaasabado lagu weyneynayay dhalashada Nabigeena Muxamed NNKH balse waxaa muuqatay in ay yaraayen munaasabadaha ka dhacay muqdisho marka loo eego xafladaha lagu qabtay qaar ka mid ah Gobolada Dalkeyna oo lagu weyneynayay Dhalashada Nabigeena NNKH.
Dadka Somaaliyed oo ah Dad 100% islaam ah ayaa dadka qaar Waxey dhaqaalo iyo Waqtiba ku bixiyaan abaabulka iyo dhigitanka Munaasabado lagu xusayo sanadka Cusub #Happy New Year kuwaasi oo qaarkod laga yaabo in aaysan garaneyn waqtiga dhalashada Nabigeena NNKH iskabadaa in ay dhaqaalo iyo waqti ku bixiyaan intaba
Hadaba iyadoo aan ogeyn in aan si weyn looga qeyb qaadan munaasadihii dhalashada nebigeena Muxumed NNKH ayaa Waxaa Magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah Gobolada Dalka laga daremayaa u diyaar garowga xaflado lagu weyneynayo Sanadka Cusub 2 017 oo maalmo yar ay Naga xigaan iyadoo weyneynta sanadka Cusub ay ka digeen Mashaaiqda iyo Wax garadka Somaaliyeed

mowliid-1

mowliid-2

mowliid-3

Comments

comments