Shaqaale ka tirsan hey’ad samafal Miino Baaris caalami ah oo lagu xirxiray magaalada Dhuusamareeb faahfaahin!!

Ciidamada Maamulka gobolada dhexe ee Ahlusunna ayaa Magaalada Dhuusamareeb ku xirxiray shan ka mid ah Shaqaalaha hay’adda caalamiga ah e Hellotrust.

Heyaddan ayaa qaabilsan Miino baarista waxayna ka howlgasha Gobolka Galgaduud iyo degaano kale oo ka tirsan Dalka Soomaaliya.

Saraakiisha Ahlu sunna ayaa Shaqaalaha ka tirsan hay’adda Hellotrus ee xabsiga la dhigay waxay ku eedeeyeen iney la shaqeeyaan Al-shabaab.

Ahlu-sunna ayaa sheegtay in shaqaalahan la xiray ee Magaalada Dhuusamareeb hareeraheeda ku aasayeen Miinooyin sababtaas awgeedna loo xiray.

Howlwadeewnada hay’adda Hellotrus ayaan ka hadlin illaa hadda xariga shaqaalahooda, mana jiraan warar madax banaan oo xaqijiinaya eedeymahan Ahlu suna ay u jeedisay shaqaalaha heyadda Hellotrus.

Maamulka ahlu sunna ee ka taliya qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud ayaa lagu eedeeyaa in ee Xariir laleeyihiin Putland iyo Itoobiya.

Maamulka Ahlu suna ayaa waxay kasoo horjeedaan Maamulka loodhan yahay ee Galmudug shacbiga kudhaqan Dhuusamareeb ayaa dhamaantooda waxay taageersan yihiin Maamulka Galmudg iyo Dowlada Dhaxe Soomaaliya halka kuwa Ahlusuna ay noqdeen laf dhuun gashay oo diidan Dowladnimada Soomaaliya!!

Comments

comments