Xero ciidanka Milateriga Soomaaliya ee ku leeyihiin degmada Caabudwaaq oo dagaal ay ku qabsadeen Koox Ahlu Suufiya Itoobiya!!

Dagaal khasaare nafeed geystay ayaa galabta ka dhacay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud kaasoo dhexmaray ciidamo ka tirsan milateriga Soomaaliya iyo xoogag taabacsan Ahlu Suufi Waljameeca.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan oo muddo kooban socday uu bilowday markii xoogaga Ahlu Suufi ay weerareen xerada qeybta 21-aad ee ciidanka XDS ku leeyihiin duleedka Caabudwaaq.

Ciidamada Ahlu Suufiya ayaa la soo sheegayaa iney qabsadeen xerada ciidamada dowlada ka dib dagaal gaadmo ah oo halkaas ka dhacay.

Ugu yaraan hal askari oo ka tirsan ciidamada dowlada ayaa lagu dilay dagaalkaas halka labada dhinac ay kadhex jiraan dhaaawacyo soo kala gaaray sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Goob joogayaal ku sugan degmada Caabudwaaq ayaa sheegaya in xiisad ka dhalatay dagaalkii galabta ay halkaas ka aloosan tahay, ayna jirto cabsi laga qabo in dagaalo kale ay dhacaan.

Ma jiro hadal ku saabsan dagaalkan oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada milateriga iyo kuwa ahlu Suufi dagaalada u dhexeeya labada dhinac oo siyaasad ahaan is diidan ayaa marar badan ku soo laalaabtay Caabudwaaq Ahlu suufi ayaa waxay shaqadooda ahayd Digri iyo siyaarooyinka Qabriyada.

Itoobiya iyo Qabiiro jacel inn Kooxdaas ay Noqdaan Mucaarad diimeed ayaa waxay Iyagu ku qanciyeen oo ay lacago ku siiyeen fidneynta Gobolada dhaxe.

Comments

comments