Xildhibaanada Labada Aqal oo Maanta la filaayo in Magaalada Muqdisho lagu dhaariyo!!

Maanta oo Khamiis ah waxaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho lagu dhaariyo Xildhibaanada Labada Aqal ee lagu soo doortay Maamul Goboleedyada iyo caasimadda Muqdisho kuwaas oo shaqdooda tahay in ee doortaan Madaxweyna yaasha badan ee usharxan xilka Madaxweyne.

Hogaamiyaasha Madasha Qaran ayaa Kulankii ugu dambeeyay ku Go’aamiyay in 15-ka Bishaan oo Maanta ah in la dhaariyo Xildhibaanada Labada Aqal ee la soo doortay.

Maamulada Puntland,Galmudug,Hirshabelle,Koofur Galbeed iyo Jubbaland ayaa soo Gaba gabeeyay Doorashadii ka socotay,iyadoo Magalaada Muqdisho lagu doortay 20 Kursi oo kamid ah Xildhibaanada Beelaha Gobolada Waqooyiga Soomaaliya ka soo jeeda iyo Kuraastii Reer Banaadiriga.

Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in ay Maanta Macquul tahay dib u dhac ku yimada Dhaarinta Xildhibaanada Labada Aqal.

Hayeeshee ma cadda weli in Xildhibaanada Labada Aqal ay Kulankoodii ugu horeeyay yeelan doonaan iyo in uu baaqan doono Kulanka dhaarinta.

Comments

comments