Shacabka iyo; kooxihii ka dagaalamayey bariga Allepo oo basas looga saarayo magaalada Daawo Sawirro!!

Kollonyadii ugu horeysay ee siday dadkii ku harsanaa degaanada mucaaradka ee Xalab ayaa u dhaqaaqay degaanada mucaaradka ee Idlib iyo xarunta gobolka Xalab.

Gawaari isugu jira basas iyo kuwa gurmadka degdegga ah oo ay horkaceyso hay’adda Bisha Cas ee Suuriya ayaa waxaa lagu qaaday dad xanuunsan iyo kuwa dhaawac ah oo ku go’doonsanaa Xalab.

Kumannaan ka mid ah dagaalyanada mucaaradka iyo qoysaskooda ayaa la filayaa inay ka baxaan bariga Xalab.

Talaabadan ayaa qeyb ka ah heshiis dhigaya in marin nabad ah loo furo dadka dhaawaca ah ee ku jira degaanada mucaaradku ay horay u go’doomiyeen Basaska iyo Ambalaasta Dadkaas lagu daabulaayo ayaa tiradooda gaareyso 10 Ambalaas ah iyo 20 meeyo Basaskaas gurmadka lagu wado ah.

Waxaa ka mid ah degmooyiinkaasi Kefraya iyo Fuwa oo xoogagga mucaaradka ay ku hareereysan yihiin.
Ruushka oo gacan ka geysatay heshiiska waxaa uu sheegay in dadka ka baxayo bariga Xalab aan dhibaato loo geysaneyn, isagoo arintaas ku wargeliyay Qaramada Midoobey.

Ninka u qaabilsan mucaaradka dhinaca wadahadallada ayaa sheegay in xittaa haddii Xalab dowladda ay qabsato inuusan kacdoonka dhammaan doonin.

Mucaaradka ayaa looga guulaystay dagaalkii mudada afarta sano ah ka socday magaalada, kadib markii ay dowladda qaaday weerar wayn ee ay taageereen diyaaradaha Ruushka.

Heshiiska shacabka iyo kooxihii dagaalamayey looga daad gureynayo bariga Allepo ayaa yimid ka dib markii Qaramada Midoobay ay sheegtay ciidamada dowladda ay shacab fara badan ku laayeen goobaha ay qabsadeen.

suuriya-1

suuriya-2

suuriya-3

suuriya-4

suuriya-5

suuriya-6

suuriya-7

suuriya-8

suuriya-9

suuriya-10

suuriya-11

suuriya-12

suuriya-13

suuriya-14

suuriya-15

suuriya-16

suuriya-17

suuriya-18

suuriya-19

suuriya-20

suuriya-21

suuriya-22

Comments

comments