Hogaamiyaha Aan Rabno!!

Markii dalkaagu yahay goob Dilka, Dhaca, Musuqmaasuqa, Heyb-kala sooca, faqriga, Maamul xumidda, Shaqo la’aanta, Tahriibka iyo Calooshiis U shaqeystinimaddu ey ka yihiin wax la isku ammaano oo malinle ah, Kolkii Dalkaagu yahay Goob ey dunidda inteeda kale ugu yeerto dhulkii Burcadbadeedda iyo argagixisadda, Markii dagaal qabiileedku ka yahay Garoon ey qabaa’ilku ku tijaabiyan hubka ey heystaan, Markii aad kaligaa meel fariisato ee aad dhibaatooyinkaas Fiiriso Waxa ugu horeeya ee kugu soo dhaca waa su’aasha ah, Halkee wax ka qaldanyihiin ? Misana durbadiibba Waxaad isugu jawaabtaa “Waa Madaxdeenna”.
HAAH !!! Waad saxantahay “waa Madaxdeenna”.
Qormadaan Aadka u kooban waxaan ku sheegi doonaa hogaamiyaha aan rabno ee ka shaqeyn kara soomaaliyadda aan rabno ee ka dhex guuxeysa qof kasta Oo wanaaga Dalka iyo Dadka jecel.
1) Bilawgii burburkii dowladdii kacaanka eheyd ee milatarigu hor kacayay sanadihii siddeetamaadkii (198….) Maalinba maalinta ka dambeysay Soomaaliddu wey sii kala fogaaneysay, Kolkii Kacaankii la riday Waanu kala firrirnay Oo rag iyo dumarba Ruux qof aamina la waa, Maamul deegaaneydyo Fara badan baa sameysmay Oo dhaxalkii aanu ka helnayna Noqday Gooni isku taag, iyo maamulo fara badan oo is dabayaaca, Waxaan u baahanahay Hogaamiye Odey dhaqameed ah oo dadka isku keena middeyana.
2) Isla burburkii Xukunkii Milatariga, Waxaa soo ifbaxay qulqulatooyin midba mar bilawdo, Siyaasiyiin Xukun isku heysta, Dagaal oogayaal noloshii dadka u diiday, Ururro Diimeeydyo iyo ciiddamo qaab Beeleyd u abaabulan oo na dhaxalsiiyay Ammaan darro iyo dhimasho maalin walba ah, Waxaan u baahanahay Hogaamiye Askari ah Oo Ammaanka Xasiliya.
3) Wax soosaarka beeraha, Kalluumeysiga, Xoolaha, Ganacsiga, iyo warshaddaha, Waxaan u baahanahay Dhaqaale-yahan Kobciya dhaqaalaheena, Si Noloshu u hagaagto, saameynta abaaruhuna u yaraadaan.
4) Afar meelood Saddax Dalool dalka dadkiisu waa dhalinyarro, waxaan u baahanahay Hal Abuure Sameyn kara Fursado Shaqo Oo loo simanyahay Si Shaqo la’aantu u yaraato.
5) Isku furanka duniddu waxey kordhisay Dan kala lahaanshaha Dalalka, Waxaan u baahanahay Danjire Ilbax ah Oo U sameyn kara Dalkeena Saaxiibo Maalgashi iyo taakulaba la garab taagan.
6) Isku qabsiga Xuduudaha Iyo hantidii la waayo cid ilaashata Waa dhaqan soo jireen ah, Maantana na heysta Waxan u baahanahay Garyaqaan ey ka go’antahay ilaalinta iyo soo celinta Hantidii la dhacay sida (Maraakiib IWM).
Guntii iyo Gunaanadkii Hogaamiyaha Maanta soomaaliya rabto waa mid ka dhabeyn kara hadalkii Madaxweynaha Nigeria Buhari ee ahaa ” Addunyadda Waxaan Imid aniga oo aan waxba wadan Waxaana ka tagi doonaa Anigoon waxba wadan, Maxaan idiin Xadayaa ?”.
Qalinka: Abdirizak Mohamed Adam Biixi
Abdirizak.biixi@gmail.com

Comments

comments