Amison oo usoo jeesatay Xasuuqid Soomaaliya Shacab saarnaa gaari Homey ah ee ku xasuuqay gobolka Shabeelaha Hoose!

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in dad shacab ah oo saarnaa gaadi dadweyne “BL” lagu dilay duleedka degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Ku dhawaad lix ruux  oo saarnaa gaari dadweyne ayaa lagu dilay duleedka degmada Qoryooleey kadib markii lagu dhiftay gaariga ay saarnaayeen qoriga Baazuukaha loo yaqaan.

Lixdaan ruux oo saarnaa gaari Homey ah ayaa ka ambabaxay Degmada Qoryooley , gaarigaan Dadka lagu xasuuqay ayaa Khudaar u siday magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dadka gaariga ku dhintay ay ka koobnaayeen seddex rag iyo seddex dumar ah.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka degmada Qoryooley, waxaana la ogeyn cidda ka dambeysay xasuuqa shacabkaasi loo geystay.

Al-shabaab iyo AMISOM ayaa midba midka kale ku eedeeyay masuuliyada dilka shacabka gaariga Homey-da saarnaa.

Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa kamid ah gobolada dhibaatada ugu daran loogu geysto dadka shacabka ah.

Wali lama oga cida ka dambeysa dilkan dadka shacabka ah loogu geestay Degmada Qoryooley, ehelada dadka weerarkaasi ku dhintay ayaa tuhunsan in ciidanka AMISOM ay ka dambeeyeen dilka dadkasi shacabka ah ee la xasuuqay.

Comments

comments