Musharaxiinta ugu cad cad xilka Madaxweynaha oo u midoobaya Xasan Sheekh iyo kulan ay maanta yeeshteen Muqdisho “Sawirro”!!

Qaar ka mid ah Musharaxiinta ugu cad cad xilka Madaxweynaha ayaa maanta kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyadoo kulankan oo ahaa mid qado ah waxaa dhigay Musharax C/qaadir Cosoble Cali.
Musharaxiinta kulanka ka qeyb galay ayaa waxaa ka mid ahaa C/raxmaan C/shakuur Warsame, Maxamuud Axmed Tarsan, Jibriil Ibraahim Cabdulle iyo C/naasir Cabdulle.

Kulankan ayaa looga hadlay sidii la isaga kaashan lahaa doorashada soo socda, iyo sidii loogu midoobi lahaa in is bedel dalka ka dhaco
Musharaxiintan ayaa isku afgartay sidii loo abuuri lahaa isbaheysi ka dhan ah Madaxweyne Xasan Sheekh, si looga hortago in aanu mar kale uu xilka Madaxweyne uusan ugu soo laaban Xassan,, Musharaxiintan ayaa ku balameen kulamo kale oo lagu xoojiyo isbaheysigooda.

Isbaheysigan cusub ayaa ka duwan isbaheysiyadii horay loo arki jiray, iyadoo ay ku soo biireen musharaxiin cusub oo miisaan leh.

Musharax C/qaadir Cosoble Cali oo maalmahan ka waday magaalada Muqdisho olole ballaaran oo aan horay loo arag, ayaa kulamo la qaadanayay Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka.
Mr Cosoble ayaa lagu wadaa inuu kulamo la qaato Musharaxiinta kale ee Muqdisho ku sugan, si loo helo aragti mideysan.
Dadka falanqeeya arrimaha siyaasada ayaa sheegaya in Isbaheysi ay sameystaan Musharaxiinta ugu cad cad ay culeys ku noqon doonto Madaxweyne Xasan Sheekh.

musharixiin-4

musharixiin-1

 

musharixiin-3

Comments

comments