Daawo Sawirro Naxtin leh oo laga soo qaaday Dadkii Ciidamada AMISOM ku xasuuqeen Shabeelaha Hoose!!

Ciidamada AMISOM ee ka howlaga gobolka Shabeelaha Hoose gaar ahaan Degmada Qoryooley ayaa Habeen hore dad shacab ah laayay kuwaas oo saarnaa gaari caasi ah, kadib markii gaarigasai ay ku dhufteen qorayga loo yaqaan Baasuukha Ciidanka Amison ee Nabad ilaalinta Beenta ujooga Soomaaliya ayaa dad xasuuqay.

Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim Aadan Najax ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM ay ka dambeeyeen udhameynta dad shacab ah oo lagu laayay Duleedka Degmada Qoryooley, waxa uuna tilmaamay in AMISOM gaarigaasi ku dhufteen Qorayga loo yaqaan Baasuukaha.

Taliska Ciidamada AMISOM ayaan wali si rasmi ah uga hadlin dhacdadan ay ku laayeen dadka shacabka ah , waxaana gaariga ay gubeen Ciidamada AMISOM xiliga ay Baasuukaha ku dhufanyeen uu marayya duleedka Degmada Qoryooley, waxa uuna waday Qudaar tani ma ahan xasuuqii ugu horeeyay ee sameeyaan.

Ciidamada AMISOM ayaa sidoo kale dad isku qoys ah waxa uu ku laayeen duleedka magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose kadib markii ay jiirsiiyeen mid kamid ah gaadiidkooda dagaal qoys gurigooda ku dhax jiray.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaan ka hadlin tacadiyadan ay ciidamada AMISOM u geesteen dadka Soomaaliyeed ee dowladu matasho, mana ahan markii ugu horeesay ay AMISOM ay si bareer ah u dilaan dad shacab ah kuwaas oo cabsi galinaaya isku Socodka Dadweynaha.

Fiiro Gaar ah: Sawiro badan oo waxaa jira oonan soo bandhigi kari sababo laxariira in aysan dadku dawaan karin owgeed

qorya_1

qorya_2

qorya_3

qorya_4

qorya_5

Comments

comments