War deg deg ah: Safiirkii Ruushka u fadhiyey dalka Turkiga oo toogasho lagu dilay Daawo Sawirro!

Safiirkii dowladda Ruushka ee magaalada Ankara ee Turkiga ayaa goor dhow nin hubaysan uu toogasho ku dilay, isagoo booqanaya matxaf sawirro lagu soo bandhigay ee magaalo madaxda Turkiga.

Video laga duubayay munaasabada ayaa muujinaya Mr Karlov oo jeedinaya khudbo markii ay xabadu ku dhacaysay.

Ninka hubaysan ayaa gadaal ka toogtay safiirka isagoo dhowr xabadood laabta kaga dhuftay, wuxuuna ku dhawaaqayey ereyo ay ku jiraan magaalada Xalab ee dalka Siiriya, Booliiska ayaana markii dambe ninkaas dilay.

Dhowr qofood oo kale ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhaawacmeen weerarka oo yimid maalin kadib markii uu dhacay mudaaharaad looga soo horjeedo faragalinta Ruushka ee dagaalka Siiriya.

Sida ay sheegtay warbaahinta Ruushka safiirka ayaa booqanayay xiliga la dilayey madxaf lagu soo bandhigay sawirro oo la magac baxay Ruushka sida ay u arkaan Turkiga.

toga

tooga-1

tooga

tooga2

untitled

Comments

comments