warfarxad galinaaya Bulshada Roob Saakay ka da’ay Boosaaso iyo Buuraleyda Galgala!!

War deg deg ah oo hadda naga soo gaarey buuraleeyda Galgala ee gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka curtay roob aad u xoogan oo saaka xilli hore ka da´ay halkaas.

Dhanka kalena magaalada Boosaaso ayaa waxaa ilaa saaka aroortii ka da’aya roob lagu diirsaday iyadoona ay ka maqantahay korontadii magaaladu, islamarkaana dhammaan wadooyinka magaalada biyo jiifaan.

Roobabkaani ayaa ah kuwa wali daya waxaana cusaybka cirka laga dareemaya deegaamo badan oo katirsan Puntland, siiba Nugaal, Karkaar, Bari iyo Sanaag.

Bulshada Soomaaliyeed ee kunool Gobolada ayaa kala Bar xoolahooda waxaa ka dilatay abaaro isku soo xig xigsaday Rabi ha uwaraabiyo raxmadiisa.

Comments

comments