Daawo Sawirro: Qaraxyo Dad badan ku dhinteen oo ruxay Suuq Baaruuda lagu iibiyo!

Qaraxyo xoogan ayaa ruxay suuq ganacsi oo kuyaala duleedka caasimadda dalka Mexico, waxaana qaraxyadan lasoo sheegayaa in ay ka dhasheen qasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Suuq kuyaala duleedka Caasimada Mexico oo lagu iibiyo baaruuda dabaal degyada lagu sameeyo xiliyada Kirismaska iyo sanadka cusub ayaa mar qura waxaa laga maqlay qaraxyo badan oo is xig xigay.

Inta la xaqiijiyay qaraxyadan waxaa ku dhintay 29-qpof oo kamid ahaa ganacsatada Suuqa iyo dad kale oo ka dukaameesanayay, waxaa sidoo kale qaraxyadan ku dhaawacmay dad kale oo badan.

Warbaahinta dalka Mexico ayaa sheegaya in qaraxyadan ay ka bilowdeen dab qabsaday qeyb kamid ah Suuqa, waxaana xiligaas kadib qaraxyo sameeyay baaruud iyo waxyaabo kale oo Suuqa yaalay.

Suuqan qaraxyado gil gileen ee Pablito ayaa sidan oo kale horey u baaba´ay sanadihii udhaxeysay 2005 illaa iyo 2006-dii , waxaana Suuqa hada uu noqday mid bas beelay oo gubtay qeybo badan oo kamid ah.

mex_5

mex_6

mex_7

mex_8

mex_1

mex_2

mex_3

mex_4

Comments

comments