Doon u rarneyd Ganacsato oo ku degtay Xeebaha Magaalada Boosaaso ee Bariga Puntland!!

Wararka ka imaanaya Xeebaha Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in Xeebaha Magaaladaas ay ku degtay Doon siday Shixnado kala duwan oo u rarneyd Ganacsato Soomaaliyeed.
Doonida Degtay  ayaa siday 1,200 oo tan oo bagaash iyo raashiin ka koobnaa.
Waxaa doonida saarnaa 12 shaqaale oo isugu jiray ajanabi iyo Soomaali, iyadoo sagaal ka mid ah shaqaalaha la soo badbaadiyey waxaana xaaladooda caafimaad lagula tacaalayaa isbitaalka weyn ee Magaalada Boosaaso sida uu sheegay Agaasimaha Wasaaradda Dekedaha Puntland.

Doonta ayaa ka timid Wadanka Cumaan,waxaana la sheegay in ay qalimantay markii ay Dekedda Boosaaso u soo jirtay ku dhawaad 14 Ml.
Kadib gurmad ay sameyeen kaluumeysato ayaa soo badbaadiyay Kawaas oo ku sugnaa Xeebaha Boosaaso,waxaana sidoo kale la la’yahay 5 kale Nolol iyo Geeri intaba.’

Saraakiisha Puntland ayaa sheegay in Ciidamada Badda ee Maamulka Puntland ay baadi goob ugu jiraan Dadka la weysan yahay ee Doonta saarnaa.
Puntland waxaa sidoo kale ay sheegtay in Doonta in ay degto ay sabab u aheyd Dabeylo ka jiray Xeebaha Puntland sida ay sheegeen.
Doonta ayaa lasoo warinayaa in Shixnada ay siday u badneyd Bagaash.

Comments

comments