Daawo: Madaxii Hore Khaatumo oo ka horyimid Wada-hadalkii S.land iyo Khaatumo Isagoo Sharaxay Halista Qodobadii soo Baxay!

Madaxwaynihii Hore ee Maamulka Khaatumo Maxamed Yusuf Jamac( Indhosheel) ayaa Markii ugu Horaysay Ka Hadlay Wadahalkii Khaatumo iyo Somaliland ee ka dhacay Itoobiyaha oo Labada dhinac Isku Arkeen, Wuxuuna ku eedeeyey Madaxda Khaatumo inay Ku deg degeen Heshiiska, Wuxuuna sheegay inuu kasoo Horjeedo Heshiiskaasi.

Isagoo ka hadlaya Qodobada kasoo baxay ayaa wuxuu sheegay in Hal Qodob oo ah Midka Hay’adaha ee la Fasaxay Mooyee, Inta Kale ay Halis ku yihiin Shacabka iyo deegaanada Khaatumo, Wuxuuna sheegay inuu Heshiisku u muuqdo mid maamulka Somaliland loogu Fidinayo dhamaan deegaanada laga xureeyay.

Asagoo sheegay in wadahadaladaas ay sabab uyihiin Cadowtinmada Putalnad ee uu hogaamiya Cabdiwali Gaas.

HALKAAN HOOSE KA DaawO Wareysi uu siidaayay Saakay

Comments

comments