Daawo Sawirro: Ragii ka Dambeeyay Afduubkii loo geestay Diyaarada Afriqiyah oo isdhiibay!!

Ciidamada booliiska Jaziirada Malta ayaa xiray labo nin oo la rumeesan yahay in ay ka dambeeyeen afduub shalay loo geestay Diyaarad Afriqiyah ee laga leeyahay dalka Liibiya oo xiligaasi ku guda jirtay duulimaad gudaha ah.

Diyaaradda oo Nambarkedu ahaa A320 ayaa waday 118 rakaab ah, waxaana Diyaarada laga leeyahay dalka Liibiya xiligaasi waxay ku guda jirtay duulimaadka magalaooyinka Sabxa iyo Tripoli , kahor inta aan la weecin duulimaadka diyaaradaasi.

Raga Afduubtay diyaarada oo ahaa labo nin ayaa sheegay in ay wataan bambaano, waxa ayna ku amreen Duuliyaha diyaarada in uu ka dejiyo garoon kuyaala Jaziirtada Malta, waxa ay raga afduubayaasha sidoo kale sheegeen in ay yihiin Taageerayaasha Hogamaiyihii Liibiya ee la dilay Qadaafi.

Ciidamada booliiska ayaa xiray labada nin ee afduubka ka dambeeyay kadib matkii ay isku dhiibeen ciidamada amaanka, waxa ayna ciidamada ragaasi oo jeebeesan ula dhaqaqaeen xabsi gaar ah si ay baaritaano ugu sameeyaan.

Rakaabkii saarnaa diyaardaa la afduubtay lagana dejiyay Jaziirada Malta ayaa la sheegay in dhamaantood ay bad qabaan marka laga reebo qal qal soo wajahay intii ay Diyaarada hawada ku jirtay Afduub ahaantana loo heestay.
lipy_1

lipy_2

lipy_3

lipy_4

Comments

comments