In ka badan 250 arday oo ka qalin jebisay Jaamacada Jazeera ee Muqdisho “Sawirro”

Jaamacadda Jazeera ayaa Muqdisho ku qabatay Xaflad ay ku sagootinayeen in ka badan 250 arday oo dhameysatay qaybo ka mid ah Kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda Jazeera.

Dr Ibraahiim Maxamed Xuseen gudoomiyaha Jaamacadda Jazeera oo jeediyay hadalo qiimo badan ugu fadhiyay guud ahaan dadkii ka soo qaybgalay xafladda, ayaa u hambalyeeyay guud ahaan ardayda Jaamacaddu sooo saartay isagoona sheegay in Jaamacadda Jazeera ay ku timid baahi badan oo ay qabeen in badan oo ka mid ah bulshada soomaaliyeed ee waxbarashada jecel sidaa daraadeedna ay aasaaseen 2010 kii Jaamacadda Jazeera, sidoo kale gudoomiyuhu waxa uu sheegay in Jaamacadda Jazeera ay ka mid noqotay ururo ay ka mid yihiin Midowga Jaamacadaha Carabta kuwa kalana ay ku biiri rabto dhawaan isagoona sheegay in dadaalkaasi uu ku yimid ka dib markii lagu guuleystay tayada waxbarashada sare wuxuuna intaa ku daray in dadaalkaasi Jaamacaddu sii wadi doonto Inshaa Allaah.

Drs Luul Maxamuud Maxamed ahna Hormuudka Kulliyadda Caafimaadka Jaamacadda Jazeera oo ahayd Kulliyaddii ugu badneyd ardayda qalin jabisay ayaa sheegtay in ay ku dadaaleen soo saarista dhakhaatiir tayo sare leh oo lagu kalsoonaan karo, iyadoona sidoo kale sheegtay in dhakhaatiirta ay soo saareen ay leeyihiin guud ahaan xirfadihii dhakhtarku lahaa oo ay wehliso damiir & damqasho nasiiri wehliso si ay ugu faa,iideeyaan dadkooda oo u hamuun qaba dhakhaatiir xirfad wacan leh.

Eng C.rasaaq Maxamed Xaashi Gudoomiye ku xigeenka Jaamacadda Jazeera dhinaca waxbarashada ayaa isana lawadaagay ardaydiisa isagoona waalidiinta dhashay uga Mahadceliyay sida ay ugu aamineen ubadkooda wuxuuna intaasi sii raaciyay inu sii wadaan dadaalkii qiimaha badnaa ee ay ku bixiyeen ubadkooda ilaa dhalashadoodii ilaa waxbarashada qeybaha kale ee uga dhiman.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka Cusmaan Daallo oo kamid ahaa martidii lagu casuumay xafladda oo lahadlaayay dhakhaatiirta cusub ee Jaamacadda Jazeera soo saartay ayaa hambalyo kadib ugu baaqay Iney tagaan guud ahaan gobolada dalkeena si baahiyo badan oo ka jirta goboladaasi ay wax uga qabtaan iyaguna khibrad & waayo aragnimo ay ka soo helaan maadaaba inta badan dhakhaatiirta wax ku soo bartay gudaha dalka & dibaddiisaba ay ka howlgalaan Muqdisho.

Martidii lagu casuumay Xafladda ay ku qalin jabinaayeen qeybo kamid ah ardayda wax ka baratay Jaamacadda Jazeera waxaa ka mid ahaa Maamulka Gobolka Benaadir, Ururada Bulshada Rayidka, Midowga Jaamacadaha Soomaaliya sida Benaadir, Muqdisho, Jamhuuriya, Soomaaliya, City, Simad & waalidiintii ubadka ay soo saartay Jaamacadda Jazeera.

Ugu dambayn Guddoomiyaha Golaha sare ee Jaamacadda Jazeera Dr C/qaadir C/raxmaan Xaaji Aaden oo soo xiray munaasabadda ayaa isna u mahadceliyay guud ahaan ardayda, maamulka Jaamacadda & waalidiinta sidii qiimaha badneyd oo ay ugu soo sabreen guud ahaan dadaaladii ay sida wada jira u sameeyeen

jazeera-1

jazeera-2

jazeera-3

jazeera-4

jazeera-5

Comments

comments