Roob Xoolo badan dilay oo ka da’ay Gobolka Sanaag oo awel xooloha tacbaan ka ahaayeen Abaaro aawgeed!!

Wararka naga soo gaaraya degaano hoos yimaada Magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag ayaa waxa ay sheegayaan in roobab xoogan oo sameyn ku yeeshay dadka iyo duunyada uu  ka da’ay Gobolka Sanaag.

Degaanada roobabku ee ka da’een ayaa waxaa la sheegaya in ay ka jireen abaaro ba’an, roobabka oo la sheegay in ay wateen dabeeylo ayaa waxaa  ku dhintay  ku dhawaad 500 oo neef oo ari ah oo tacbaan ahaay.

Dadka ku nool Degaanada uu Roobku ka da’ay ayaa Warbaahinta u sheegay in ay dhaafeen Xoolihii ay dhaqan jireen.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Somaliland ayaa Warfidiyeenada u sheegay in ay Gurmad Deg Deg ah u fidinayaan Dadka uu Roobku saameeyay wallow Dowladu ay haysato Faqri fara badan oo jaahilka tafaraaruqa usabab yahay.

Comments

comments