Dowladda Soomaaliya oo ku Hanjabtay in ay markale joojineyso Maandooriyaha culus ee Qaadka!!

Wargeeyska Daily nation ee ka soo baxa Dalka Kenya ayaa Daabacday in Soomaalia ay ugu Hanjabtay Kenya in ay Dib usoo Rogeeyso Xayiraddii Qaadka Kayimaadda Kenya Sababo la xiriira in Xukuumadda Nairobi tix Galindiiday Hishiiskii Dhigayay in Dib loo Bilaabo Duulimaadyadii Tooska ahayd ee Mugadissho iyo Nairobi.

Dowladdaha Soomaliaya iyo Kenya ayaa Bishii September ku Hishiiyay in Xayiradda Laga qaado Qaadka ka yimaadda Kenya Taas Bedelkeedana la Bilaabo Duulimaadyado Toos ah oo u dhexeeya Muqdisho iyo Nairobi 13 kii Bishaan December ee Maantadaan 25 ka Mareeysa.

Isbuucii lasoo dhaafay ayaa Saraakiil katirsan dowladda Soomaaliya waxa ay Kenya ku eedeeyeen in ay ka aamustay Hishiiskii Dadka Soomaalida ah looga badbaadinayay Daalka iyo Rafaadka ay kala Kulmaanaan Magaaladda Wajeer oo Diyaddii Siddda lagu Dajiyo laguna gumeysto Sababo la xiriira Baaritaanno dhinaca Amaanka ah ee ku marmarsiyoodeen Xabshada Kiinyaatiga.

“ Soomaaliya iyo Kenya waxaa ay lahaayeen Hishiis Xayiradda Meesh lagooga Saarayo, Sababtoo ah Garoomaadda Diyaaradaha Mugadisho iyo Nairobi Waa ay Awoodi karaan Hubinta Amaanka Qof kasta ka hor inta uusan Korrin Diyaaradda” ayuu Sargaal ka tirsan dowladda Soomaaliya oo la Hadlay The Sunday Nation.

Wuxuuna Sargaalkaas Hadalkiisa ku daray in mudoo 3 bilood ah Dhinaca Kenya Hishiiskaas uu san ka Hirgalin, Taasina waxaa ay ka Dhigan tahay in Kenya aysan Hishiiska Daacad ka hayn, Xayiraadana Waan soo celindoonaa.

Tan iyo Sanaddii 2006 dii Markay Soomaaliya qabsadeen Maxaakiimtii Islaamiga aheyd, Kenya waxaa ay Xadiday Dhinaca Amaanka ah ku soo rogtay fara farayn Dhamaan Duulimaadyada Kabaxa Soomaliaya ee kusii Jeeda Nairobi oo Marka Hore ku sii Dejiyaan Wajeer Baaritaana Halkaas kusii Marsiiyaan.

Comments

comments