MUUQAAL: Faarax Macalin “Soomaaliya DOORASHO kama socoto, Xumaan way dhaaftay, Itoobiya ayaa Liqaysa daawo

Siyaasiga Faarax Macalin oo horey usoo Noqday Gudoomiye ku xigeenkii Hore ee Baarlamaanka Kenya, ayaa siwayn uga hadlay Xaalada Soomaaliya ee Xiligan iyo Doorashada oo dhowr jeer dib u dhacday, Sidoo kalana wuxuu eedayn usoo jeediyey Itoobiya oo uu sheegay inay doonayso Inay Soomaalia Liqdo.

Faarax ayaa Wuxuu sheegay in Dadka Soomaaliyeed ayna ahayn Kuwa ka Faa’iidaysanaya Taariikhda “NINKA DOQONKA AH, WAA MIDKA INTII FAL SAMEEYO, HADAna KU CEL CELIYA, EE HADANA KA SUGAYA NATIIJO KA DUWAN” Ayuu yidhi.

” Soomaaliya waxaa ka dhacday Doorasho aan Nooceedu  horey Aduunka uga dhicin, Xumaan way dhaaftay, Sidoo kale dalalkii Dariska ahaa ayaa Faragelin Qaawan ku Haya,  Waxaana la doonaya in dadka la isku dilo, Kadibna Soomaaliya meesha laga saaro”  ayuu Raaciyey Hadalkiisa.

Comments

comments