Uguda galka iyo Tira koobka Dilalka loogeystay Soomaalida kunoo Dalka Koofur Afrika!

Sannadkan sii dhamaanaaya e 2016 waxa dalka koofur africa guud ahaan gobalada uu ka kooban yahay lagu dilay ganacasato soomaaliyeed o kor u dhaafeysa ila 100 halka tiro intaa ka badan lagu dhaawacay dilalkan ayaa waxa ugu badnaa kuwo ay geysteen kooxo burcad south african ah shacab careysan o dibadbaxaye waxana so raaca dilal qorsheysan o ay isku geysteen ganacsatada soomaaliyeed iyo ajnabiga kale e xarumo ganacsi ku leh deegaanada lacotion.da e fog magaaloyinka kuwaa o isku qabtay arimo la xariira ganacsi
Ganacsata soomaaliyeed waa kuwo caan ku ah gaarsiiyey ganacsigooda deegaanada loction.ada e miyiga fog wana deegaano ay degan yahiin dadka u dhashay wadankan waxa ay had gor goor kala kulmaan dhibaatoyin dhac boob hanitidoda lo geysto waxyeelo lo gaarto nafsadooda waxa ka jira kooxo gangestero south african aha kuwaa oo weerera dhac ka geysta xarumaha ganacsi e ajnibiga ay ku leeyahiin deegaanada locotion.da
Waxa ugu yaraan bilksta sannadkan lagu dilaye ilaa 5 ganacasato soomaaliyeed kuwaa oo dhamaantooda u dhaxeysa da”dooda 20 ilaa 45 jir guud ahan tirada sannadkan lagu dilay koofur africa aya gaareysa ila 150 ganacsato halka ay ganacasato badan ay ku hanti beeleen ka dib markii xarumahooda ganacsiga ay cagta mariyeen shacab dibadbaxaya kuwa oo cabanaya dowlada koofur africa.
Sannaadkan waxa so maray somalida koofur africa 3 saddex dibadbax o waaweyn o ay dhigayeen shacabka koofur afrikanka dibadbaxyada ayaa ka kala dhacay pretoria cape town johansberg waxana ugu darnaa dibadbaxi ka dhacay magaalada caasimada wadanka e pretoria 20 JUN o dibadbaxayaasha shacab cereysan ay ku boobeen dukaamo gaaraya 1000 kun dukaan o ku yaala deegaanada MEMELODI SHANKUFA GIMORA IYO ANTARFIL o ah deegaano locatino ku hareersan magaalada pretoria shacabka aya ka cabanaye maayer.ka cusub e lo so magacaabay magaalada pretoria .
Deegaanka MALINGA 30 km u jira magaalada porth Elizabeth e gobalka Eastern Cape waxa hal habeen ku geeriyooday 4 dhalinyaro ganacsato somaliyed o xali saqdhaxe u dab ka kacay dukaankooda halka ku yiilay ma cada sababta keentay dabka inuu ahaa mid koranto iyo in kooxo madow south african ah ay ka dambeyeen waxase lo badaniyaa inuu ahaa dab si ula kac ah halkaa ugu dhashay o dad south african ay ka dambeyeen axmed xashow . xuseen cali aweys iyo abdi rashiid waa ganacsatada ku dhintay dabkaa wana dhacdadii ugu darneed e so gaarta ganacsada somaliiyed e koofur africa.
Axmed badel iyo Abdul shukri aya lagu gubay dukaankoda o ku yaala deegaanka GIMORA dhanka galbeedka magaalada pretoria 20 km u jirta axmed badel aya halkaa ku geeriyodaya halka abdul shukri maalmo ka dib u u geeriyoday dhaawaca soo gaaray habeenkaas ganacsato ka so jeeda dalka simbabwe aya ka dambeye dilka labada ganacsato ee somaliyed waxa mar dambe gacanta ku soo dhigay dambiilayasha dadka deegaanka GIMORA o 2 ka mid ah simbabweanka ku dilay gaacantooda dadka reer koofur africa aya garab i muujiyey sananadkan ganacsada somaliyed kuwaa o markii logu bartay waxyeleeynta ganacsatda somaliyeed waxana dilka labada dhalinyaro u ahaa mid la axriira arimo ganacsi o ay isku qabteen simbabweanka .
Kooxo burcad south african aya dab qabad siiyey dukaan ku yeelaya deegaanka ikhayelista o 25 km u jira magaalada cape town ka dib markii kooxda ay dhac u geysteen xali saqdhaxe waxana halkaa ku dhintay xasan maxamed maalin o iska lahaa dukaanka .
Bilaha November iyo December aya ah labada bilood ee dhibaatada ugu badan soo gaarta gacansatada soomaaliyeed kooxaha burcada south africanka aya laba jibaara labadan bilood dhaca ay u geysteen xarumaha ganacsiga somalida iyo ajniga kale si ay u helaan lacag ay ku tuntaan maalmaha ciida krismaska .e dadka kristanka dhigtaan December dhamaadkeeda waxa uu sannadkan qeyb ka noqanaya dhibaatoyinka boobka dhaca dilka sannadahii ka horeyey ay la kulmi mayeen somalida koofur africa.
Ma jirto cid ama shaqsi ay u soo qabatay dowlada kofur africa dhacdoyinka sannadka lo geystay ganacasada soomaaliyeed waxa lagu eedeyaa dowlada koofur africa ine ka gaabisay ine wax ka qabato dhibatoyinka dalkeeda logu geysto dad ajnibiga ha’yashee dowlada south africa iyo saraakiisha ciidanka aya ku doodeysa in ganacasada somaliyeed aysan imaaneynin xarumaha maxkamadaha iyo saldhigyada police.ka si loo ciqaabo dambiilayaasha dambiga galay dowladana aysan xukumi karin marqaati la’aan dambiilayaasha .
W/Q = SHARMARKE XUSEEN BARE . SHARMARKE SHARMA

15713295_598570853676316_610232863_n

15722455_598570807009654_623007582_n

Comments

comments