DAAWO: Camey oo Hanjabay Markii lagu qabsaday Kulankii Muqdisho ee Siyaasiyiinta Reer Waqooyi iyo Moshin!

C.xakiim Cumar Camey oo Madaxwayne ku xigeen ugu magacaaban maamulka Puntland ayaa kusoo laabtay magaalada Garoowe, wuxuu iska difaacay Eedayn uga imaanaya Siyaasiinta Puntland iyo Xildhibaano Mooshin Ka diyaariyey, Kuwaasi oo kasoo horjeeda saxiixii warqad ay soo wada saareen Ra`iisulwasaare kuxigeenka dawladda Faderaalka Maxamed Cumar Carte.

’Muxuu yahay sharciga ogolaanaya in Cabdikariim Guuleed aan kala hadlo arrimaha Gaalkacyo, Diidayana in aan la kulmo Maxamed Cumar Carte Qaalib, oo ah Ra’iisulwasaare kuxigeena dawadda Soomaaliya’’ ayuu yidhi Cabdixakiin Camey.
Wuxuu hadalkiisa sii raaciyey in Isaga iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka uu ka sareeyo C.wali Gaas oo keliya, Islamarkaana aysan Wixii ay dantooda u arkaan Cidna waydiin doonin, Wuxuuna Hadalkan kusoo beegmayaa iyadoo magaalada Garoowe uu ka socdo Dhaq-dhaqaaq looga soo Horjeedo.

waxay umuuqataa in majeerteenka ay kasoo horjeesadeen Cabdixakiin Camey ayna doonaayaan in ee xilka ka tuuraan si ee usoo doortaan wax magarte Dhulbahante kaso jeeda.

Comments

comments