Daawo Sawirro: Qaabkii ay u dhacday dhaartii xildhibaanada cusub ee Baarlamanka Soomaaliya!

Waxaa maanta xarunta Iskoolo buluusiya ee magaalada Muqdisho lagu dhaariyay Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaasoo siyaabo kala duwan loogu soo doortay xarumaha maamul goboleedyada dalka.

Munaasabad ka dhacday xarunta Iskool Buluusiya ayaa lagu dhaariyay in ka badan 280-Xildhibaan oo ka mid ah labada Aqal ee Baarlamanaka, waxaana Munaasabada dhaarinta ka qeyb galay masuuliyiin katirsan Dowlada Soomaaliya.

Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka ayaa dhaariyay Xildhibaanada labada Aqal kamid noqday ,waxa ayna Xildhibaanadan cusub ku dhaarteen in ay ku shaqeyn doonaan si cadaalad ah iyaga oo eegaya Laaluush dalka iyo dastuurka u yaala xilligaan.

Munaasabada dhaarinta Xildhibaanada cusub ayaa waxaa ka maqnaa oon liiska lagu soo darin Xildhibaanada kuraastooda uu muranka galay, waxaana Xildhibaanada la dhaariyay ay ahaayeen kuwa loo aqoonsaday in ay kusoo baxeen nidaam sax ah.
15697651_1253738654693831_4837367692793376880_n-1

15697673_1253738694693827_4020465585478355663_n

15747588_1315300328542317_5329532994264399897_n

dhaar

dhaar1

dhaar4

dhaar8

dhaarin-3-300x194

Comments

comments