Hay’ada Zamzam oo deeq gaarsiisay qoysas ay abaaruhu saameeyeen “Sawirro”

Hay’adda Zamzam oo ka mid ah hay’adaha Maxaliga ah ee ka howlgala dalka Soomaaliya ayaa gaarsiisay kaalmo isugu jirta cunto,dawo iyo biyo nadiif ah dad ay abaaruhu saameeyeen oo ku nool deegaano badanoo kamid ah dalka Soomaaliya.
Deeqdan ay gaarsiisay hay’ada Zamzam ayaa waxaa ay ahayd mid ay ugu talogashay in muddo bilo ah iyadoo hay’adu ay ku tilmaantay deeqdan inay tahay gurmad degdeg iyo quud naf-ku-celis ah.
Deegaanada la gaarsiiyay deeqdan ayaa waxaa ka mid ah Carmo (Puntland), Wajaale, Hargeisa, (Somaliland), Dhajaqlay, Jaran, Irdole, Mahaday (Hirshabelle), Krari, (Koofurgalbeed) waxaana deeqdan oo isugu jirta cunto,dawo iyo biyo nadiif ah la gaarsiiyay dad ku  dhow boqol kun oo ruux kuwaasoo ay saameysay abaaraha ka jira dalka.
Hay’ada Zamzam ayaa waxaa gacan ka siiyay deeqdan una mahadcelinaysaa hay’adaha RAf, HAI, iyo Islamic Charitable. Sidoo kale hay’ada Zamzam ayaa waxa ay u mahadcelisay dhammaan mutadawiciinta si tabaruc ah ula shaqeeyay iyo shaqaalaha hay’ada Zamzam.
Hay’ada Zamzam ayaa ugu baaqday dowlada Soomaaliya, hay’adaha caalamiga ah iyo shacabka Soomaaliyeed in loo soo gurmado oo la taakuleeyo dadka Somaliyeed ee abaaruhu saameeyeen.
Ma aha markii ugu horeysay ee ay hay’ada Zamzam oo ah hay’ad aan dowli ahayn lana aasaasay sanadkii 1992dii ayaa waxaa ay wax ka soo qabatay  dhibaatooyin dhan walba leh, colaado, abaaro, cudurro, qax iwm, waxayna hay’adda Zamzam si xoog leh uga soo shaqeyneysay kuna taakuleysay Soomaalida gargaarka degdegga ah ee bini’aadnimo, xagga waxbarashada, caafimaadka, biyaha la cabo, taakuleynta agoonta, iyo shaqo abuurka dhallinyarada iyo gacan qabadka qoysaska Soomaalida tabaaleysan.

15726633_1253250804754194_8559204879402945490_n

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

water-trucking

Comments

comments