Madaxweyne uhaqal taagaya M/ Soomaaliya “waa ka gudubtay marxaladii kala guurka aheyd”

Madaxweynahii Hore Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka baxday marxaladii kala guurka aheyd, isagoo hambalyo u diray Xildhibaanada labada Aqal ee shalay lagu dhaariyay magaalada Muqdisho.

Madaxweynahii ayaa ku baaqay in Baarlamaanka cusub lala shaqeeyo, isla markaana lagu garab siiyo sidii doorashada inta ka dhiman loo dhameystiri lahaa.
Iyadoo laga yaabo in loo silciyo sida uu Madaxwanaha SHacbiga Soomaaliya u silciyay,

“Soomaaliya waa ka gudubtay marxaladii kala guurka ahaa, waa cusub ayaa u bilowday, waxaa hambalyo leeyahay Baarlamaanka cusub ee la dhaariyay”ayuu yiri Madaxweynahii hore Xasan Sheekh.

Waxaa uu sheegay in Baarlamaankan cusub uu ka duwan yahay baarlamanadii hore ee dalka soo maray, isagoo xusay inay ku jiraan dhalinyaro iyo Haween badan.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in doorashada ka dhacday Soomaaliya ay ka xumeed doorashada ka dhacday dalal qaar ee caalamka, isagoo tilmaamay inay jireen cilado iyo Musuqmasuq meelaha qaar, balse doorashada ay aheyd mid u dhacday qaab wanaagsan.
 
Baarlamaanka cusub ee 10aad ayaa looga fadhiyaa inuu ku dhawaaqo xilliga kama dambeysta ee ay dhaceyso doorashada Madaxweynaha iyo Guddoonka labada aqal, iyadoo afar goor oo hore uu dib u dhac ku yimaaday jadwalka doorashada ee ay dejiyeen Madasha iyo Guddiga doorashada.

Comments

comments