Daawo: Xasan sheekh oo sharaxay Waxqabadkiisa iyo wuxuu ka yeeli doono maamulka Somaliland!

Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ah Musharax u taagan Xilka madaxwaynaha Soomaaliya, ayaa wuxuu ka hadlay Waxyaabaha ay Qabatay Xukumadiisu Waqtigii uu madaxwaynaha ahaa, wuxuuna xusay waxa uu ka qabtay Lix Tiir oo uu balan Qaaday 2012-kii.
Madaxwayne Xasan ayaa Xusay Dhismaha Ciidamada iyo Daryeelkooda, Mushaharka ay Dawladdu Bixiso, Arimaha Diblumaasiyada Caalamka ee Somalia soo Ceshatay Iyo Arinta Badda Soomaaliya.
Ugu danbayntii Xasan sheekh Maxamuud ayaa Waxqabadka Dawladiisa wuxuu ku daray Arimaha Midnimada Soomaaliya, Wuxuuna Sheegay in Maamulka Somaliland ay ku Qancin doonaan Midnimada dalka, iyadoona uu sheegay inay Horey u dhaceen dhibaatooyin, Balse laga daawayn doono.

Comments

comments