War Deg Deg ah: Shabaab oo laga saaray Degmada Afgooye iyo sarkaal dowlada ay ka dileen!

Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaaha Hoose ayaa sheegaya in Al-shabaab ay Magaaladaas ka baxeen,waxaana Saraakiisha Ciidanka Dowladda ee warbaahinta gudaha u sheegeen in ay Magaaladaas ka saareen Shabaabkii Caawa soo Weeraray Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Goobjoogeyaal ayaa sidoo kale sheegay in Al-shabaab ay Magaalada uga Carareen Meydad,waxaana hadda Xaaladdu ay tahay mid degen.

Dhanka kale Dadka ku dhintay Dagaalka Caawa waxaa ku jira Sargaal ka tirsan Ciidamada Dowladda oo lagu Magacaabo Daahir Digoote oo Caan ka ahaa Magaalada Afgooye.

Maamulka Degmada Afgooye iyo Saraakiisha Ciidamada weli ma aysan ka hadlin Dagaalka gaadmada ee shabaab Caawa ku soo qaadeen Degmada Afgooye.

Comments

comments