Daawo: Cadaani oo Radio ka Baahiyey Nin Sheegay inuu Dili doono Hadalkaas oo Hurdo u Diiday!

XISBIGA WADANI via XISBIGA KULMIYE!
Wasiirka Warfaafinta ee maamulka Somaliland, Cismaan Saxardiid Cadaani ayaa Idaacada magaalada Hargeysa ee  Radio Hargeisa  ka Baahiyey COD loogu Hanjabayo, Iyadoo la sheegay in Shirqool lagu dili Doono.

Codkan ayaa waxaa la sheegay in laga soo dhex Helay Madal ay ku´kulmaan Xubnaha Xisbiga WADANI ee C.raxmaan cirro uu Hogaamiyo,  iyadoo ay mudooyinkii ugu dambeeyay meel xun gaadhay Loolanka Siyaasadeed ee u dhaxeeya Kulmiye iyo Wadani.

“Ninkan La garan maayo Wuxuu yahay, iyo meel uu kasoo Jeedo, Wax lagu tilmaamo Garan maayo, Muuse Carre Berito yayna Qaylinin,  Wuu Noo Calaamad san yahay, Waana la Basrin Doonaa” ayaa lagu yidhi Codka Hanjabaada ah.

Hadalkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo Dhowaan ayaa magaalada Hargeisa lagu dhex garaacay Masuul ka tirsan Xisbiga Wadani.

Comments

comments