Diyaarad ku soo dhacday Xeebta Teneriffa iyo Dalxiisayaal kala cararay “Sawirro”

Dalxiisayaal fara badan ayaa kaa kala cararay xeebta magaalada Teneriffa Dalka Spain gaar ahaan dhanka loo dalxiis tago ee Santa Cruz ka dib markii goobtaas Duuliye jahwareesan uu ku soo dajiyay Diyaarad yar .

Shacabkii ku dubaalanayay xeebta Teneriffa ayaa gabi ahaanba iskaga cararay halkaas kuwaas oo u qaatay in diyaarada yar ee ku soo dul dhacday ay eheed mid ismiidaamin ah oo Qaraxyo ku rakiban yihiin .

Duqa magaalada Teneriffa Mr.Jose Manuel Bermudez ayaa warbaahinta u sheegay in Booliiska magaalada lagu soo daadgureeyay xeebta deegaanka Santa Cruz maadaama warbixin qaldan loo soo gudbiyay .

Diyaarada yar ee xeebta ku soo dhacday ayaa waxaa watay Qoys Faransiis ah oo u socday dalka Marooko balse Diyaaradu cilad kaga qabsatay xeebtada hawada
dalka Spain.

tene_1

tene_2

tene_3

tene_4

Comments

comments