Taliye ku xigeenkii ciidamada VILLA Soomaaliya oo madaxtooyada lagu dhex dilay!

Wararka naga soo gaaraya madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in madaxtooyada dhexdeeda lagu dilay taliye ku xigeenkii ciidamada ilaalada madaxtooyada Soomaaliya.

Taliye ku xigeenka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdi Cabdulle  Qoorgaab, waxaana la ogeyn ujeedada dilkiisa ka dambeysay.
Saraakiisha madaxtooyada qaar ayaa xaqiijiyay in dilka Taliyaha uu ka dambeeyay mid kamid ah ilaalada madaxtooyada Soomaaliya oo dilka kadibna baxsaday.
Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in dilka loo geystey Cabdi Cabdulle Qoorgaab la baarayo isla markaana cadaalada la horkeeni doono cidii ka dambeysay dilkiisa.
Waa markii ugu horeysay ee dil noocan oo kale ah uu ka dhaco gudaha madaxtooyada Soomaaliya oo ah goob si aad ah loo ilaaliyo.

Waxaana Goobtaas kusugnaay lataliyaha Xasan sheeq ee loo yaqaan Gabre iyo lataliyaal kale oo reer Galbeed ah kuwaas oo Xasan sheeq siweyn u aamisan yahay arintaan ayaa waxay dhabar jab kutahay ciidanka Soomaaliya oo sumcada laga bahdilay waxaana Xasan sheeq umuuqata Sixirka Tigreyga ee kusameeyeen.

Comments

comments