Mid kamid ah ragga tababara Yaxaasyada oo si dirqi ah uga badbaaday “Sawirro”

Mid ka mid ah dadka tababara Yaxaasyada ee dalka Thailand ayaa si layaab leh uga badbaaday yaxaas dhererkiisu yahay saddex Mitir oo dad cun ah.
Muuqaal video ah iyo sawiro lagu qaaday Mobile ayaa arki karaa daqiiqadii uu yaxaasku isku dayay inuu ka goosto gacanta nin dhalinyaro ah oo ka mid ah ragga tababara Yaxaasyada bandhig ka dhacay dalka Thailand.
Muuqaalkan ayaa laga arkayaa Anusak Salangam oo 47 jir ah oo hortaagan yaxaas isagoo labisan shaati iyo surwaal casaan ah oo aan wax kabo ah xireyn ayna daawanayaan dad aad u xiiseynaya.
Mr Anusak ayaa madaxa ka taabanaya Yaxaaska kahor inta uusan sameyn dhaqdhaqaaq, balse waxa ay arrintu noqotay mid faraha ka baxday kadib markii gacanta midig ee Anusak ay gashay afka yaxaaska.
Yaxaaska ayaa markii uu arkay in afkiisa ay ku jirto gacanta ninka tababaraha ah ayuu bilaabay sida ay yaxaasyada ay sameeyaan oo ah inuu is gadgadiyo si uu u goosto hilibka afkiisa ku jira, hase yeeshee Mr Anusak oo aqoon dheer u leh caadooyinka Yaxaasyada ayaa sidii uu sameeyay Yaxaaska sameeyay waxana uu ka badbaaday in ay gacanta ka go’odo balse waxaa soo gaaray dhaawac fudud.
Mr Anusak ayaa maalin kadib dib ugu soo laabtay shaqadiisii dhoolatuska Yaxaasyada isagoo caadi ah, arrintan ayaa waxa ay dhacday Jimcihii aanu ka soo gudubnay.

yaxaas-9

yaxaas-1

yaxaas-2

yaxaas-3

yaxaas-4

Comments

comments