Musharax madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo magaalada Muqdisho kusoo laabtay!

Waxaa maanta magaalada Muqdisho dib ugu soo laabtay madaxweynihii hore ee dowladdii kumeel gaarka aheyd Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo haatan ah musharax madaxweyne.

Sheekh Shariif, ayaa markii uu ka soo dagay garoonka diyaaradaha waxaa loo galbiyay hoyga uu ka degen yahay magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu warbaahinta kula hadlay.
Wuxuu ka hadlay dib u dhacyada ku yimid doorashada madaxweynaha Soomaaliya, isagoo dhaliilay dib u dhacyada faraha badan ee doorashada ku yimid.
Sheekh Shariif ayaa dhaliilo badan u jeediyay dowladda Soomaaliya, waxaana dhaliilahaasi u badnaa dib u dhacyada doorashooyinka ku yimid.
Waxaa la filayaa inuu gudo galo olalihii doorashada ee sanadkaan.

Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in Ammaanka Dalka oo Xumaaday uu wax ka qabanayo haddii uu ku guuleysto Doorashada Soomaaliya.

Comments

comments