Dowladda Sacuudiga oo dhameestirtay qorshe lagu shaqaaleesiinayo Muwaadiniin Soomaaliyeed!

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudi Carabiya ayaa Dhameeystiray Hishiis Dowladda Sucuudigu ay ku shaqleeyn Siineeyso Muwaadiniin Soomaaliyeed.

Wargeeyska Gulf News ee kasoo Baxa Sucuudi Carabiya ayaa Dublamaasiyiin Soomaali ah oo aan Magacooda la shaaacin Kasoo Xigtay in Wasiirka Shaqada iyo Shaaqaalaha Soomaaliya uu Booqonayo Sucuudiga Si uu Usixiixo Hishiika Kama Dambeeysta ah ee Doowladda Sucuuidi Carabia ay ku Qaadaneeyso Shaqaale Soomaali ah oo Garaya 10,000 oo Ruux Wajiga Koowaad.

Wadahadaladda u dhexeeyay Wasiiradda Shaqada iyo Shaqaalaha Sucuudi Carabiya iyo Soomaaliya ayaa waxaa ay socdeen Muddo Billo ah waxaana Hishiiskaas lagu Xadidayaa Xuquuqda Shaqaalaha Soomaalida ah ee ay Qadaneeyso Doowladda Suucuudi Carabia, Sida ay Sheegeen Dublamaasiyiinta la Hadlay Gulf news.

Saafaradda Doowladda Soomaaliya ay ku leedahay Sucuudi Carabiya ayaaa waxaa ay Codsiyo Badan ka Heshay Shirkadaha Waaweeyn ee Sucuudiga, kuwaas oo ka Codsanaya in ay ubaahan yihiin Shaqaale Soomaalia ah.

Hishiska u dhexeeya Dowlaha Sucuudi Carabiya iyo soomaaliaya ayaa waxaa Lafilayaa in uu Meesha Kasaaro Xad gudubka loogeeysto Soomaalida ka shaqeeysata Dalka Sucuudi Carabiya lakiin waa loo malayna maahin mid lahubo.

Horay ayaa dalka Sucuudi Carabiya waxaa Waxyeelo loogu Geeystay Muwaadiniin Soomaliyeed oo Hishiis aan sharci ahayn ugu shaqeeynayay Shirkado Ganacsi.

Comments

comments