“sawiro”Wararkii Ugu Dambeeyay Qaraxyadii Xooganaa ee ka dhacay Agagaarka Xarunta Xalane!

Waxaa Duhurnimadii maanta labo qarax oo loo adeegsaday gaadiid waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ay ka dhaceen agagaarka xarunta afaafka hore ee Xalane oo ah taliska ugu weyn Ciidamada AMISOM ee ka howlaga Soomaaliya.

Qaraxa hore ayaa ka dhacay bar koontarool oo kutaala halka laga soo galo garoonka Aadan Cadde gaar ahaan wadada ka timaada Isgooska Danwadaagaha, waxaana koontaroolkaasi ku sugnaa ciidamo katirsan Nabad Sugida Soomaaliya.

Waxaa daqiiqado yar kadib tagay gaari waxyaabaha qarxa isna laga soo buuxiyay oo kasoo gudbay koontaroolka qaraxii hore uu ka dhacay, waxaana gaariga labaad uu isna ku qarxay Bar koontarool oo kutaala albaabka Xarunta Xalane gaar ahaan Albaabka loo yaqaan Madiina Gate, Ciidamo Soomaaliyeed oo ladhigtay halkaas ayaa rasaas ay ladhaceen gaari gawaarida qaraxa kabuuxiixeen waxayna saadasha ubadan tahay in qasaaro badan gaareen Ciidanka Soomaaliya halka Kuwa Amison ee ka taxadareen.

Qaraxa labaad ayaa la sheegay in uu geestay qasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana halka uu ka dhacay ee Madiina Gate xiligaasi ku sugnaa ciidamo katirsan AMISOM , Dowlada iyo waliba dad shacab ah.

Wali si rasmi ah looma oga qasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay qaraxyadan xoogan oo ka dhaceen agagaarka Garoonka Aadan Cadde gaar ahaan koontarool ku dhaw xarunta Xalane ee Taliska AMISOM.

Ciidamada amaanka iyo gaadiidka Gurmadka deg dega ayaa qaaday dadka dhimashada iyo dhaawacyada ay kasoo gaareen qaraxyadan, waxaana halka qaraxyada ka dhaceen xiray Ciidamo katirsan Dowlada.

Qaraxyada kadib ayaa la maqlay rasaas xoogan oo dhaceysay, walina lama oga in rasaastaasi ay aheed mid ciidamada amaanka ridayeen iyo mid kale, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay Taliska AMISOM iyo kan Dowlada.

Qaraxyadan Xoogan ayaa bur bur xoogan gaarsiiyay guryo badan iyo Hoteelo kuyaala halka ay ka dhaceen, waxaana qaraxyadan ahaayeen kuwa si weyn jugtooda looga maqlay qeybo badan oo kamid ah magaalada Muqdisho.

gite_2

gite_4

gite_5

qarax11-640x360

Comments

comments