Hampalyo warfarxad leh Cilmi baaris lagu ogaaday in Dalka Soomaaliya ee kabaxaan Qamadi,Tuun iyo Bardho!

Macalin katirsan Mucalimiinta Jaamacada Soomaaliya ayaa wuxuu isku xil saaray in uu beeraleyda Soomaaliyeed uu ka dhaadhaciyo ama uu tusiyo inay beeran karaan Qamadiga, Tuunta iyo Bardhada kuwaas oo daraasado horay loogu sameeyay Dadkeena Soomaaliya, jawaabhihii laga bixiyayna ay noqdeen war been ah looga dhaadhaciyay Dadkayna, warkaas oo ku saabsanaay in aysan intaas Dalkayna ee kabixin waxaana been abuur noqotay Daraasadahii oranaayay Dalkeyna Soomaaliya intaas maka baxaan Macalin Shaafici Waddani, oo ah Macalinkii hada sameeyay daraasa ayaa wuxuu Inasoo gaarsiyay Qoraal, Sawirada iyo Muuqaalkan waxuuna kaalmo uga baahan yahay intii Damiirka soomaaliyeed leh oo doonaysa in dalka siiba Beeraleyda lagu maal galiyo kuwaan aad uGu mihiimsan Nolasha Soomaalida waxayna ka kazoo iibsadaan Dibbida.

“Cilmi Baaritii Qamadiga Nooca Durum Wheat baasta iyo Toontiiba Waa Lagu guuleeytey tijaabo beerid Afgooye laga sameeyay Sifiican ayay umiro dhashay. N.B Lama Daryeelin xatta Biyo fiican waraab ah ma aysan helin 11/November /2016 ayaa La Beerey waxaay ahayd beertii ugu horeysey ee tijaabo oo Lagu guuleeystay. Waxaana Laxussi Dooona ganacsatadii ka qqayb qaatada Hormarinta Dadka waa hadii ay usoo jeestaan in dhulkooda wax ku beertaan Insha-allaah.

Waxaanu Lakaashan doonaa Soo Saarista Cilmi Baaristaan iyo Balaarinta Daraasada Khubarada Beeraha sida hey’ada SATG, Kuliyadaha Beeraha, iyo wadaniyiinta Hanka Mustaqbal leh; Kuwaa oo Kutakhasusay soo saarirda Kheeyraadeena kale, sidii Loo sameeyn Lahaa Xorun Cilmi baaris oo wadaniyadu Kusaleeysan.

Qofkii Ka qeeyb Qaadanaaya Hormarinta Dalka iyo Dadka oo lagu soo kor dhinaaya Qamadi, Tuun iyo Bardho oo beeraleyda Soomaaliyeed laga dhaadhaciyay in Dalkooda aysan intaas ayna ka bixin hormarinta Waa dalkaaga waxaana Inagala soo Xariir. teel +252-616-977-129 ama shaficyusuf@gmail.com . Insha-Allaah Guul- Garab la,aanaan Yuunan Dadaalkaan Ujoogsan oo intii aad awoodid ku taakulay.”

cilmi-baaris-4

cilmi-baaris-1

cilmi-baaris-2

cilmi-baaris-3
cilmi-baarisi-beer-1

cilmi-baarisi-beer-2

MUUQAALKA HALKAAN HOOSE KADAAWO

Comments

comments