DAAWO MUUQAAL: Warbixin Xiiso leh Hogaamiyaha Soomaali u baahan tahay, Jen. Cabdi Qaybdiid, Pro Abdi Samatar, X/ Dalxa & Shacabka Muqdisho!

Waxaanu Halkan idiinku soo gudbinaynaa Warbixin Xiiso leh oo ku saabsan Hogaamiyaha ay Soomaaliya u baahan tahay Xiligan, oo magaalada Muqdisho ay ka socoto Diyaar garowga Doorashada Madaxwaynaha Soomaaliya.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay marka hore ka timaado daacadnimo, si loo Helo Hogaamiyo Wanaagsan.

Caasha Cumar Geesdiir iyo Safiya Maxamed Cali oo kamid Haweenka Soomaaliyeed ee ku sugan muqdisho, ayaa ka Aragti duwan Xildhibaan dalxa, Waxayna soo bandhigeen sida Lagu soo Xuli Karo Hogaamiye Daacad ah, Sidoo kale  Dhalinyarada ayaa dhankooda ku doodaya inay u baahan yihiin Hogaamiye u samayn kara Shaqa Abuur.

Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid oo kamid ah Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa sheegay inaan loo eegin Masaalix Gaar ah, ee Xildhibaanadu eegaan Qofka Samata bixin Kara Xaalada Soomaaliya.

Prof: Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa sheegay in Xildhibaano badan kusoo Galeen Lacag, Balse hada ay yihiin Boqoro, Wuxuuna sheegay in Xildhibaanada laga Filayo inay Samayn doonaan Isbadal dhaama mida hada jirtay.

Comments

comments