Daawo Sawirro: Shirkad Turkey soo saartay Gaari la yaab leh oo noociisa aan horey loogu arag caalamka!!

Shirkad sameysa gaadiidka oo magaceeda la yiraahdo Letvision ayaa soo saartay gaari la yaab leh oo noociisa aan horey loogu arag caalamka.

Masuuliyiinta Shirkadan ayaa sheegay in ku dhowaad 30 sano ka dib ay ku guuleysteen iney soo saaraan gaari marna caadi ah mar kalena isu bedelaya robotka bani’aadamka loo ekeysiiyey ee filimada qaar laga daawado.

Shirkadan oo fadhigeedu yahay magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa sheegtay iney riyadeeda rumeysay maadaama ay ugu dambeyn sameysay gaarigii ay ku hamineysay mudada dheer.

Ujeedada ugu weyn shirkadan ayaa la sheegay iney aheyd sameynta gaari u istaagi kara sida noolaha oo kale, una socon kara sida gawaarida caadiga ah oo kale.

Gaarigan oo ah nooca BMW-M3 ayaa istaagaya una tababaran sida computer-ka ay nooluhu ku shaqeystaan ee Robot loo yaqaano.

Muuqaalkii ugu horreeyey ee laga soo duubay gaarigaan ayaa la arkay isagoo u soconaya sida gawaarida caadiga ah oo kale, ka dibna u istaagaya sida noolaha oo kale, weliba wuxuu dhaqdhaqaajinayaa gacmo loo sameeyey.

Arintan ayaa la sheegay iney qeyb ka tahay tiknoolajiyadda casriga ah ee uu ku tallaabsanayo adduunkan, waxaana shirkadan ay qorsheyneysaa iney ruqsad u hesho soo saarida iyo ka ganacsiga gaarigan.

arg-yaabkaan-1

arg-yaabkaan-2

arg-yaabkaan-3

aq14

Comments

comments