Daawo : Maamulka Jubaland iyo Odayaasha DHAQANKA oo Taageeray Jawaari, Kana Horyimid C.rashiid Xidig MUUQAAL!!

Odayaasha dhaqanka ee Jubaland oo maanta Kulan balaadhan ku yeeshay magaalada Kismaayo, Ayaa Taageero balaadhan u muujiyey Gudoomiyihii Hore ee Baarlamaanka Soomaaliya,  Maxamed Cismaan Jawari oo mar kale u taagan Xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Odayaasha Dhaqanka iyo Waxgaradka ayaa sheegay inay kasoo horjeedaan dadka kale ee isku Sharaxay Xilkaasi, Iyagoona ku baaqay in loo doorto Jawaari.
Kulankan ayaa waxaa soo Qaban qaabiyey Maamulka Jubaland,  Waxayna Fariin adag u tahay C.rashiid Maxamed Xisig oo isagu doonaya inuu Xilkaasi Qabto.

Comments

comments