Ciidamada Xeebaha Galmudug oo qabtay Doon laga leeyahay Dalka Yemen iyo Ragii watay!!

Ciidamada Ilaallada Xeebaha Dowlad Gobolleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa dooni laga lahaa Dalka Yemen oo ay Saar Nayeen 39 bad-maaxiyiin u dhashay Yemen iyo nin Soomaali ah, waxay ka qabtay deegaanka Labad oo 30-km kaga beegan Dhanka Bari Magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug  halkaas oo ay ka wadeen Kalluumeysi Sharci Darro ah.

Taliye ku xigeenka Ciidamada Badda Dowlad Gobolleedka Galmudug Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa u sheegay Warbaahinta in labo ka mid ah Bad-maaxiyiintii Saarnaa Doonidaas laga lahaa Yemen uu soo gaaray Dhaawac, iyagoo hadda la dabiibayo.

Sidoo kale waxaa la xiray dhamaan ragii kale ee saarnaa Doonidaasi waxaana ku socda Baaritaan sida ay sheegeen saraakiisha Dowlad gobaleedka Galmudug

Doonidan waa tii labaad oo isbuuc guddahiisa lagu qabto Baddayna Soomaaliya waxaa daraat la qabtay Doonkaluumays oo xatooyo kaluumaysi kawaday Xeebaha Putland Doonidaas oo laga lahaa ama laga soodiray Dalka Yaman waxaana taas hada gacanta kuhaaya Ciidanka Som/ Putland.

Comments

comments