DAAWO: C.kariim Guuleed oo go’aan Lama Filaan ah ku Dhowaaqay, Kadib Xilka Qaadistii lagu sameeyay Maanta!!

Madaxwaynaha maamulka Galmudug ayaa si Kulul uga hadlay Go’aanka ay Xildhibaanada Galmudug uga Qaadeen Xilka Madaxwayne, Wuxuuna sheegay inuuna Aqbali doonin,
“Hadii aanu Kalfadhi Furnayn, oo Gudoomiyihii Baarlamaanku aanu Hogaaminayn, Arintaasi waxaan u arkaa Arin Foodo ah, Arin Sharci ah maaha, Waa Sharci Daro, Wixii kasoo baxay Sax maaha, Waxaa Wada Koox gaar ah oo ujeedooyin gaar ah Leh” Ayuu yidhi Guuleed.
Cabdikariin Xuseen Guuleed, ayaa maalintii shalay ka codsaday xildhibaanada Galmudug inay ka laabtaan mooshinkii ay kasoo gudbiyeen, balse xildhibaanada ayaan dhaq jalaq u siinin hadalkaasi.

Wuxuuna Hadalkiisu kusoo Beegmayaa iyadoo Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulka Galmudug Maanta Xilkii ka qaadeen madaxweyne Guuleed.

Comments

comments