War deg deg ah: C/kariin Guuleed oo xaalad deg deg ah ku soo rogay degaanada Galmudug Akhriso!!

Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug C/kariin Xuseen ayaa xaalad deg deg ah ku soo rogay degaanada hoos taga maamulkaas kadib wareegto ka soo baxday xafiiskiisa.

C/kariin Guuleed ayaa wareegtada u cuskaday qodobo kuxusan dastuurka maamulkaas oo quseeya amniga iyo siyaasada degaanada Galmudug iyo inay munaasab ahayn xiligaan qilaaf lasameeeyo.

“Si dib loogu soo celiyo arrimaha amaanka iyo Siyaasadda Madaxweynuhu waxaa uu xaalad deg deg ah ku soo rogay degaanada maamulka Galmudug taasoo soconeysa 90 cisho, laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 10-ka bisha Janaayo 2017-ka” ayaa lagu yiri wareegtada.

Arintan ayaa ku soo aadaysa xili maanta xildhibaano ka tirsan Baarlamanka maamulka Galmudug oo kulan ku yeeshay magaalada Cadaado ay u codeeyeen iney xilkii ka xayuubiyeen Madaxweyne Guuleed.

deg

Comments

comments