Cadaado: Abshir Bukhaari Oo Iskuul U Furay arday Barakacayaal Waxbarasho La’aan Ah January 10, 2017!

Abshir Maxamed Axmed(Bukhaari) oo kamid ah Golaha Sare ayaa Shalay barakacayaal ku sugan galbeedka Cadaado u furey Iskuul ee wax ku bartaan caruurta Danyarta ah .

Abshir Bukhaari Oo Xariga ka jaraya Maandeeq Academy
In ka badan 200 oo ardey ayaa loo diwaangeliyay in ay wax ku dhigtaan Iskuulka Maandeeq Academy oo ka kooban 3 fasal, waa iskuulka keliya ee goobta Kaam-ka ku yaallo.
Mushaarka Mucalimiinta oo  5 ah, ardeyda waxbarashooda, buugaagta iyo dhar intaba waxaa gacan ka geystay Abshir Bukhaari oo ah Mid kamida Golaha Sare ee Soomaaliya.

Iskuulka Maandeeq Academy waxaa laga furay Kaamka Badbaado oo ku yaallo Galbeedka magaalada Cadaado, waxaana hal ku-dheg looga dhigey “Hogaamiyeyashii berito ayaa halkan wax ku barto”

Abshir Maxamed(Bukhaari) oo sidoo kale biyo geliyay goobta, waxaa uu caruur agoon ah u ballan-qaadey in uu guri u dhisi doono sida ugu dhaqsiyaha badan.
October 20, 2016: Mar uu Booqasho ku tagey xerada, waxaa uu Bukhaari ballan-qaadey in xerada u dhiso dugsi qur’aan iyo Iskuul ay caruurta wax ku bartaan, taa uu maanta fuliyay.

Abshir Maxamed Axmed, waa mid kamid ah Golaha sare oo ugu horeeyay ee Soomaaliya lagu doorto, isagoo ka mid ah Xubnaha sare ee Galmudug u matala aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah.

abshir-1132x670

abshir-1

abshir-2

abshir-3

abshir-4

abshir-axmed-1

Comments

comments